Maanta waxaan ka hadlaynaa daryeelka timaha, waxaan ognahay in quruxda gabadha ay ka bilaamato wajigeeda, meesha xigtana ay tahay timaheeda.Timaha waxay mar walba rabaan daryeel dheeri ah, markaad gasho meel walba oo looga hadlo hagaajin tooda waxay sheegaan waxyaabo kala duwan, saasoo ay tahayna faaido ma keenaan inta badan.Waxay ku xiran tahayna xogtooda mar walba waxaa ay kuu xayaysiinayaan lkiin markaa ad si qoto dheer u eegto waa waxba kama jiraan.Tinta waxaan ukala qaadaynaa tin qoyan iyo mid qalalan waloow ay ciladaheedu nadan yihiin,hadane badanaa labadaa bay ukala baxaan.Qaybta qalaylkaan ku hormaraynaa maadama ay nagu badantahay, waa tinta inta badan ay ku badantahay waxa looyaqaano aflaaqo, ama labo af inay ka yeelato baarka hore, badanaane labadaa af ama aflaaqadu maaha wax dhayal ah ama la sahlado, waa waxa keena inay tintu jajabto, qalasho,ayna badnaa ugaabato una daadato .
Su’aashu waxay tahay maxaa looga daweeya tinta ama looga caawiyaa inay yaraato.Tintu waa sida jirkeena caadigoo kale waxay rabtaa daryeel lamida kan maqaarkeena aan siino oo kale sida aad jirkaaga ugu dadaasho dhaashiga iyo waxyaabaha qooyan waa in aad ugu dadaashaa ayana.Hadaba waxaa lagama maarmaan aha inaad samayso labo waxyaabood markay tintaadu tahay mid qalal ah, jajabaysa,daadanaysa ama aad iskugu dhagta waxa aan unaqaani (isdabka timaha) waxaaso dhan waxaa kaa caawinaya labo wax, kuwaaso ah.Inaad tinta lafta ka dharjiso dufan qoyaan siiya sida geedku subax walba ugu baahan yahay qoyaan ayay tintuna u ugu baahan tahay qoyaan, si buuxda dhamaan qaybaheeda kala duwan qoyaankaasna ha ahaado saliid aad adigu og tahay wax ku anfacaya inay ku jiraan tusaale aniga waxaa I caawiya toonta iyo cilaanka,sidaas si lamida waa in aad ogaata waxa ku caawinaya toonta ookale hadaad rabto waa inaad xoga toona shiida kadibna dhakada ama lafta tinta ku buufisaa ayadoo saliid le tintaada saysan kaaga guban lafta, ama saliid ku kar-kari (toon,basal,dhaagayare iyo rosemary) intaa oo aad isku darto ayaa ku siinaya natiijo aad u wacan.Qaabka aad u isticmaalayso digsi dabka saar,kadibne biyo ku shub markuu kulu laado baaquli aad kasoo saari karto hadhow saadan ugu guban waxaad ku shubtaa saliidaad jeceshahay isticmaalkeeda,ama salid saytun iyo inyaro salid qumbe ah iyo dhirta aan kor kusoo xusay digsiga baaquliga ku rid saliidaha ku shu dhirtana sidoo kale 10 -15 daqiiqo markay uumsmaan qabooji tinta salkeeda ku masaaje intaad meel fiican ku shubato, mudo waa ku hay naysaa saana samee mar walba.Baarka kuuso haray ama cirifka tinta hoose maadama ay aad u qalalan tahay waxay rabtaa qoyaan saaida waxaana kaa caawinaya qoyaankaas shea butter ama butter ethipian baarka hore ka mari asbuuci 2 -3 jeer waahaday aad u qalalan tahay hadii klana 1 mar asbuuci.Taasi waxay ka caawinaysaa in aad hesho tin aad u qurxan caafi mad qabta, sidoo kale cilaanka iyo salidaha aan horay kusoo sheegnay ee dhirta leh iyo xabad ukun ahna isku mari jimce kasta, ama markaad jaanis u hesho.Marka aad dhaqaysana waa inaad si fiican udhaqdaa lafta tinta si aysan kaaga yeelan agool, ama qolofta ku samaysanta lafta tintWaxaa kuuso haray tinta qoyan ayada badanaa waa tinta ku taal madaxa dufanku ku badanyahay,taasoo ay ka dhalato madax shiir waxaana u badan raga, waana tan keenta in madaxooda inta badan shiiro.Sidookale dumar lehna waa jiraan madax dufankaas, waana gabdhaha badanaa tintooda aysan aadka u bixin.Hadaba waa maxaa xala, tinta noocaas ah waxaa fiican in asbuucii ugu yaraan 2 – 3 jeer la dhaqo ayadoo loo eegayo hadba intuu dufankaaga marayso, taasina waxay kaa yarayn kartaa dufankaa badan ee shiirka ama madax urka keenaya .Waxaa kaloo jirta dry shampoo kaa caawin karta urtaa ama yarayn karta waa hadaad joogto meel qabow ah.Tintaas dadka leh ama hadaad leedahay waxaan kugula talinayaa inaad asbuuci halmar saliidaha timaha isticmaashid, inta kasoo harta asbuuca kareemaha timaha hadba nooca ku naasibaya intaad raadsato kaliya baarka mari oo dhakada ama lafta haw dhawaan.Sidookale cilaanka mari iyo ukun halxabo ah asbuucii ama wakhtigaad jaanis u hesho waxay qayb ka noqon ukunta iyo cilaanka quruxda tin taada.
GUNAANAD: DHAMAADKA WAXAAN NIILEEYHAY: tintu waa noole kugu dul nool laakiin aadan u tooghayn,ama aadan ka warhayn sida ay rabto in looga war hayo ha dayicin, waayo rag iyo dumarba waa quruxdeena qaybta ugu way ee aanan ka warhayn qaab baxeeda.Waxan kaaga digayaa jilciso inaad marsato waayo waa dilaa aad u xun laakiin aanan ka fiirsan cawaaqib xumada ay ku leedahay timaheena.Sidoo kale bishii 2 jeer ku nafaqee tin taada yogurt ama mayonnaise, saliidaha aan kor ku xusnay iyo ukun, ku dhaash tintaada adoo ku dadaakaya baarka inaad ka dharjiso nafaqada, hana ilaawin masaajee mar walba tintaada waayo inaad masaajayso waxay kaa caawinaysaa inay si dhaqso ah u soobaxdo, oo qurux badan sidookale shanladana ugu dadaal habeen walba iyo subax walba waa intaas iyo daryeelkaaga malinle ee tintaada. Iyo nabaadino.
0 Comments